Baarlamaanka oo doonaya in la soo magacaabo guddi garsoorayaal oo dhageysanaya kiiska SHIF

0
149

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa codsi u gudbiyay maxkamadda .
Baarlamaanka ayaa doonaya in dhageysiga dacwad looga soo horjeedo dhaqangelinta caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF lagu wareejiyo madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome si ay u soo magacawdo guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo dacwaddan dhageysan karo.
Codsiga baarlamaanka waxaa qayb ka ah in dacwadda uu gudbiyay Aura Joseph Enock ay taabanaysa arriimo muhiim oo dhanka sharciga ah sidaasi awgeedna Koome looga baahan yahay inay u saarto guddi aan tiro ahaan ka yareyn 3 garsoorayaal ah.
Waxay tani imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 23-ka bishan ay maxkamaddu go’aan dheeraad ah ka soo saarto dacwaddan sidii uu horay u sheegay garsoore Chacha Mwita.