Hindise sharciyeedka mashruuca guriyaha la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa ayaa maray akhrinta labaad.
Nidaamkan oo uu baarlamaanka hor geeyay madaxa aqlabiyadda Kimani Ichungwa, ayaa waxaa taageeray 141 xildhibaanno ah.
Waxaa ka soo hor jeestay mudanayaal gaaraya 58 .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhawaan mudanayaasha baarlamaanka gaar ahaan kuwa isbeheysiga Kenya Kwanza ka codsaday inay barnaamijkan si buuxda u taageeraan.