Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Beeca xoolaha ee Mandera oo dib u eegis lagu sameyn doono

Beeca xoolaha ee Mandera oo dib u eegis lagu sameyn doono

Guddiga hilibka ee dalka ee KMC ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii biloodba dib u eegis lagu sameyn doono qiimaha lagu kala iibsado xoolaha nool ee ismaamulka Mandera.
Tani ayaa timid ka dib markii KMC ay shacabka ka qayb gelisay kulamo wacyigelin ah oo looga hadlayay howlaha suuqa xoolaha.
Colonel Waluke oo ka mid ah saraakiisha guddigan u qaabilsan soo iibsashada ayaa sheegay in xoolo dhaqatada la fahansiiyay siyaabaha ay u iibin karaan xoolahooda iyo caqabadaha ay la kulmaan beeralayda.
KMC ayaa intaasi ku dartay in maalin kasta la qali doono 200 oo neef tani oo bishii noqonaysa 6000.
Sanadkii hore ayay ahayd markii wasiirka beeraha iyo xoolaha ee dalka Peter Munya uu xoghayaha waaxda xoolaha nool Harry Kimtai ku amray in uu dardargeliyo sidii KMC loogu wareejin lahaa wasaaradda difaaca ee dalka ka dib amar uu bixiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Hasa ahaate bishii labaad ee sanadkan ayay maxkamadda go’aankaasi waxba kama jiraan ka soo qaaday ka dib markii ururka qareenada wadanka ee LSK uu gudbiyay dacwad uu arrinkan kaga soo horjeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments