Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari oo deggan magaalada Garissa ayaa soo dhaweeyay aroos wadareed Axaddii la soo dhaafay ka dhacay magaaladaasi kaasi oo uu fududeeyay barasaabka dowlad deegaanka Garissa Nathiif Jaamac Aadan.
Waxaa uu odayaasha ugu baaqay in ay fududeeyaan guurka isagoo culimada ka codsaday inay badiyaan muxaadarooyinka ka hadlaya guurka.