Kulan ku saabsan madax bannaanida waaxda cadaaladda oo maalinkii labaad la qabanaya

0
117

Waxaa uu maalinkii labaad kulan ku saabsan madax bannaanida waaxda garsoorka ee dalka u socdaa madaxda maxkamadaha kala duwan.
Madaxa cadaaladda ee wadanka garsoore Martha Koome oo shirkan shalay furtay ayaa ku tilmaantay madal muhiim ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in sidoo kale lagu eegaya wanaajinta waxqabadka garsoorayaasha, sare u qaadidda isla xisaabtanka iyo in adeegyada shacabka loo fidiyo si habsami leh.
Kulankan ayaa la soo gabagabeyn doonaa berri oo Arbaco ah wuxuuna ku soo beegmaya iyadoo dhawaan mas’uuliyiinta isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ay waaxda cadaaladda ee dalka ku dhaliileen inuu saameeyay musuqmaasuq baahsan.
Garsoore Martha Koome ayaa sheegtay inay muhiim tahay in xal u helidda caqabadaha ku gadaaman helidda cadaaladda lala kaashado waaxyaha kale ee dowladda.
Balse waxay si cad u sheegtay in aan marnaba la aqbali karin faragelinta madax bannaanida waaxda garsoorka ee dalka.
Martha Koome ayaa xustay in ay lagama maarmaan tahay in garsoorayaasha ay go’aamadooda ku tixgeliyaan danta guud.
Sidoo kale waxay carrabka ku adkeysay in guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) ay mas’uuliyad ka saaran tahay la tacaalidda eedeymaha musuqmaasuqa.
Waxay madaxda maxkamadaha kala duwan ku boorrisay inay si degdeg ah u soo gudbiyaan warbixinnada la xiriira musuqa.