Xisbiga ANC oo taageeray musharraxnimada Raila ee AU-da

0
195

Xisbiga ANC ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu taageeraya musharraxnimada hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga ee ku aaddan xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AU-da.
ANC ayaa hoosta ka xarriiqday in ay soo dhaweynaysa dadaallada dibloomaasiyadeed ee maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu ku bixinaya sidii Bariga Afrika ay u qaban lahayd hoggaanka guddiga Midowga Afrika.
Dhawaan ayay ahayd markii Raila Odinga uu shaaciyay inuu diyaar u yahay qabashada xilkan oo uu bisha Saddexaad ee sanadka dambe banneynaya Moussa Faki Mahamat .
Shalay ayay ahayd markii xisbiga wadanka hoggaamiya ee UDA uu shaaciyay inuu taageeraya musharraxnimada Raila Odinga.
Waxaa sidoo kale arrinkan soo dhawee0yay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ee uu Mr. Odinga hoggaamiyo.