Waxaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru maanta ka furmay shir wada tashi ah oo u dhexeeya wasiirrada dowladda dhexe iyo xeer dejiyaasha xisbiga wadanka hoggaamiya ee UDA.
Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kulankan uu socon doono afar cishe oo ku eg 21-ka bishan Labaad.
Issac Mwaura ayaa hoosta ka xarriiqay in shirka lagu qabanaya maqaaxida Lake Naivasha Resort xoogga lagu saari doono in dib loo eego waxyaabaha u qabsoomay dowladda iyo gaabadka jira.
Waxaa uu tilmaamay in shirka uu yahay fursad lagu qiimeynaya guulaha la gaaray in ka badan 17 bilood iyadoo ujeeddada arrinkan laga leeyahay ay tahay in sanadkan la isu geeyo dadaallada ku aaddan fulinta barnaamijyada iyo howlaha horumarka.
Waxyaabaha si gaar ah loo eegi doono waxaa ka mid ah dib u eegista warbixinta waxqabadka dowladda ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose.
Nidaamkan oo loo yaqaano BETA Plan ayaa la daahfuray sanadkii 2022-kii wuxuuna ku saabsan yahay in la qiimeeyo waxqabadka 23-da wasaaradood ee dowladda sare ee dalka , 51 waaxood oo hoos tago iyo 348 oo ah hay’adaha dowliga ee madaxa bannaan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu guddoomiyo shirka maanta ka furmay Naivasha.
Issac Mwaura, afhayeenka dowladda dhexe ayaa sheegay in 17 bilood la diiwaangeliyay in ka badan 105 ah waxyaabo lagu guulaystay oo qayb ka ahaa 122 ballanqaadyo ah oo ay dowladdu u sameysay kenyaanka.
Berri waxaa halkaasi ka qabsoomi doono kulanka xildhibaannada isbeheysiga Kenya Kwanza waxayna soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomay baarlamaanka 13-aad ee dalka.
20-ka iyo 21-ka bishan , wasiirrada, xoghayeyaasha iyo saraakiisha sare ee dowladda ayaa iyagana dib u eegis ku sameyn doono waxqabadka maamulka talada haya gaar ahaan dhaqangelinta qorshaha BETA ee ah in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose.
Qorshaha BETA waxaa uu ku saleysan yahay ilaa 5 qodob oo kala ah helidda cunnada , shaqo abuur iyo awood siin dhaqaale , caafimaadka , guriyeynta iyo badbaadinta bulshada.
Kulankan ayaa ah midkii labaad ee ay yeelanayaan mas’uuliyiinta isbeheysiga wadanka hoggaamiyo ee Kenya Kwanza tan iyo markii uu William Ruto hoggaanka qabtay.