Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay si buuxda u taageeraysa musharraxnimada madaxa isbeheysiga mucaaradka ee dalka Raila Odinga uu ugu jiro xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa arrinkan ka sheegay shir jaraaid oo uu qabtay.
Waxaa uu musharraxnimada Raila ku tilmaamay mid sumcad u ah qaranka.
Madaxda siyaasadeed iyo shacabka ayuu ku boorriyay in ay dhinac iskaga dhigaan kala duwanaanshahooda oo ay arrinkan garab buuxda siiyaan.