129 qof oo loo xiray ka ganacsiga daawooyinka ee sharci darrada ah

0
206

Guddiga qaabilsan maareynta farmashiyada iyo ka hor tagga waxyaabaha sunta ah ee (PPB) ayaa xabsiga u taxaabay 129 ruux.
Dadkan ayaa lagu soo xiray howlgallo laga sameeyay saddex gobol.
Waxaa loo haystaa inay ka shaqeynayeen xarumo si sharci darro ah loogu iibiyo daawooyinka.
Guddigan oo kaashanaya wasaaradda caafimaadka ee dalka iyo maamulka qaran ee xakameynta daawooyinka ayaa howlgallada ka fuliyay Nairobi, Galbeedka dalka iyo Koonfurta Rift Valley.
Waxaa sidoo kale howlgallada lagu soo helay in ka badan 200 oo kartoon oo ay ku jiraan daawooyin sharci darro ah.
PPB ayaa sheegtay in howlgallada ay soo billowdeen 29-kii bishii hore.