Dowladda Maraykanka ayaa ballan qaaday in ay awoodda diidmada qayaxan ee Veto Power u adeegsan doonto inay ka soo horjeedsato qaraarka qaramada midoobay ee lagu doonaya in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza.
Waxaa qaraarkan soo jeedisay dowladda Algeria oo dalbanaysa in golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyo in Qaza ay ka dhaqan gasho xabbad joojin degdeg ah oo lagu tixgelinaya baniaadannimada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, weerarrada ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 28,858 qof halka 68,667 kalena la dhaawacay.