Duqeyn ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay isbitaalka Nasser Hospital ee magaalada Khan Younis ee dalka Falastiin ayaa waxaa ku dhintay in ka badan afar qof oo ka mid ahaa bukaannada halkaasi lagu daaweynayay.
Tani ayaa loo aaneeyay inay go’een korontada iyo oksijiinka weerarkaasi awgiis.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegaya inay sii wadi doonaan dafiraadda baaqyada ku aaddan in la soo dhiso dowlad Falastiin oo madax banaan.
Waxaa uu ku doodaya in tani ay abaal marin wayn u noqonaysa sida uu hadalka u dhigay argagixiso aan horay loo arag.
Dowladda Maraykanka ayaa dhankeeda sheegaysa in haddii aan la dejin qorsho daadgureyn ah in duullaanka dhuleed ee ay Israa’iil ka gaysan rabto magaalada Rafah oo ay ku nool yihiin 1.4 milyan oo qof uu musiibo noqon karo.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 28,775 qof oo Falastiiniyiin ah halka 68,552 kalena la dhaawacay.