Maxkamadda sare ee Milimani ee magaalada Nairobi ayaa dhinac iskaga dhigtay codsi ka yimid waaxda dacwad oogidda wadanka.
Waxaa uu codsigan ku saabsanaa in la soo afjaro dacwad ka dhan ah agaasimihii hore ee shirkadda dhuumaha shidaalka ee dalka ee Kenya Pipeline Charles Kiprotich Tanui iyo qof kale oo lala eedeeyay.
Mas’uulkan hore ayaa lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 31 milyan oo shilin.
Waaxda (ODPP) ayaa soo bandhigtay marqaatiyaal dhan 25 ka hor inta aynan mowqifkeeda beddelin.
Waaxdan ayaa maxkamadda u gudbisay codsi ah in dacwaddan meesha laga saaro balse maxkamadda ayaa diiday waxayna amartay in kiiskan uu sii socdo.
Waa markii labaad oo waaxda dacwad oogidda wadanka ay codsatay in la soo afjaro dacwadda uu wajahaya Tanui.