Venezuela oo amartay in xafiiska qaramada midoobay ee xuquuqul aadanaha ee dalkaasi uu hakiyo howlihisia

0
155

Dowladda Venezuela ayaa amar ku bixisay in la hakiyo howlaha xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ee wadankaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Venezuela, Yvan Gil Pinto ayaa go’aankan ku shaaciyay shir jaraaid oo uu qabtay.
Shaqaalaha ka howlgalo xafiiskaasi ayaa loo qabtay muddo 72 saacadood ah oo ay wadanka Venezuela uga baxayaan.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Venezuela ay xafiiskaasi ku eedeysay inuu xoojinaya mucaaradka.
Xafiiska xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay ee dalka Venezuela ayaa shaqeynayay tan iyo sanadkii 2019.