Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa shaacisay qorsho dib u habeyn ballaaran lagu sameynaya xarumaha caafimaadka ee wadanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dib u habeyntan la sameyn doono ka hor inta aan la dhaqangelin caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF.
Wasiiradda ayaa sheegtay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay in la saxo qaladaad dhacay xilligii isbitaallada wadanka laga dhigayay heerarka kala duwan.
Arrintan ayay Susan Nakhumicha sheegtay xilli ay ka soo hor muuqatay guddiga arrimaha caafimaadka ee baarlamaanka dalka.
Qaladaadka jira ayay u aaneysay faragelin siyaasadeed iyo musuqmaasuq saameeyay waaxda caafimaadka.
Wasiiradda ayaa tilmaantay inay jireen dhacdooyin isbitaallada qaar la gaarsiiyay heer aynan tayo ahaan u qalmin halka kuwo kalena hoos loo dhigay .
Waxay tusaale u soo qaadatay isbitaal ku yaalla ismaamulka Kakamega oo ay xustay in laga dhigaya heerka afaraad in kastoo uunan lahayn adeegyo muhiim ah sida xarunta qalliinka.
Sidoo kale waxay sheegtay in isbitaal ku yaalla xaafadda Kangemi ee ismaamulka Nairobi si qalad ah loo gaarsiiyay heerka afaraad .