Dowladda Australia ayaa sheegtay in la yareyn doono tirada duulimaadyada ka yimaada dhanka wadanka India.
Tani ayaa loo aaneeyay xaaladaha cudurka COVID-19 ee dalkaasi ku sii badanaya.
Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa maanta sheegay in madaxdu ay ku heshiiyeen in boqolkiiba 30 la dhimo tirada muwaadiniinta India iyo dadka haysta degganaanshaha Australia ee soo raaca diyaaradaha ka soo laabto India.
India ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay xaaladaha cudurka COVID-19 oo gaaraya 314,000.