Israa’iil oo dilal ka gaysatay magaalada Rafah

0
186

Waxaa lagu soo warramayaa in duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada ku taalla Koonfurta Qaza ee Rafax lagu dilay dhowr qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhanka kale ay Israa’iil siidaysay labo qof oo maxaabiis ahaa.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dadka lagu dilay duqeymaha Rafah.
Wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters oo labaduba soo xiganaya saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa tirada dhimashada ku kala sheegay 52 qof iyo ugu yaraan 67 ruux.
Israa’iil ayaa duqeysay 14 guriyo la deggan yahay ah iyo 3 masjid oo ku yaalla Rafax sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha dowladda Falastiin.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa dhankeeda ku warramaysa in bartilmaameedsiga masaajidda lagu dilay ugu yaraan 63 ruux halka ururka Xamaas oo bayaan soo saaray uu tirada dhimashada ku sheegay in ka badan 100 qof.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in Israa’iil ay si rasmi ah u wado bartilmaameedsiga rayidka iyo inay dagaalka gaarsiiso Rafax si iyadoo duqeymo la adeegsanaya loo barakiciyo shacabka magaaladaasi ku nool.