Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Booliiska Kajiado oo gacanta ku dhigay in ka badan 48 kartoon oo...

DHAGEYSO:Booliiska Kajiado oo gacanta ku dhigay in ka badan 48 kartoon oo khamri sharci darro ah

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kajiado ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 48 kartoon oo ay ku jireen khamriga sharci darrada.
Laamaha ammaanka ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay qabteen daroogada nooca Xashiishka.
Taliyaha booliiska ee bartamaha Kajiado John Odhiambo ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay xog ka heleen dadweynaha ka dibna ay howlgalka sameeyeen.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay shakhsiyaadkii daroogada waday.
Waxaa uu shacabka uga digay isticmaalka khamriga sharci darrada ah.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka la soo wadagaan xogaha ay hayaan si loogu guulaysto dagaalka ka dhanka ah khamriga sharci darrada ah.

Dhawaan ayay ahayd markii dhacdo laga soo tabiyay ismaamulka Kirinyaga ay ku nafwaayeen 13 qof oo khamri isticmaalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments