Natiijada doorashadii ka dhacday Pakistan oo la sugaya

0
218

Guddiga doorashooyinka ee dalka Pakistan ayaa weli isku duba ridaya natiijada doorashadii dhawaan halkaasi ka dhacday.
Iyadoo saddex cishe codadka la tirinaya ayaa waxaa in ay loolanka ku guulaysteen sheegtay Ra’iisul Wasaarayaal hore Imran Khan iyo Nawaz Shariif.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in musharraxiin madax banaan oo xulafo la ah Imran Khan ay heleen 97 ka mid ah 265 kuraas.
Xisbiga soo dhisaya maamulka dowladeed ee Pakistan ayaa u baahan inuu baarlamaanka ka helo 134 kuraas oo aqlabiyad ah.
Dhanka kale madaxa militariga dalka Pakistan ayaa ku baaqay in la is dejiyo ka dib markii soo baxeen eedeymo ah in natiijada doorashada lagu shubanaya.