Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegtay in weerrarro ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska looga dilay 17 dagaalyahaanno ah.
Xubnaha kooxdan laga dilay ayaa aas wadareed loogu sameeyay magaalada Sancaa.
Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa Xuutiyiinta la dagaallamayay tan iyo bartamihii bishii hore ka dib markii ay kooxdan billowday inay bartilmaameedsato maraakiibta adeegsanaya Badda Cas.
Waxay wacad ku martay inay sii wadi doonto weerarrada ilaa iyo inta ay Israa’iil ka soo afjaraysa duullaanka militari ee Qaza.