Dowladda dalka Malaysia ayaa shaacisay in 13-kii bilood ee ugu dambeeyay dib loo soo celiyay $5 milyan oo doolar oo qayb ka ahayd lacago laga dhacay sanduuqa qaran ee dowladda wadankaasi ee 1MDB .
Waxaa weli socdo baaritaannada ku aaddan falal lagu lunsaday balaayiin doolar.
Dhaqaalaha dib loo soo helay ayaa u dhigma 23.9 milyan oo ah lacagata Malaysia ee ringgits.
Waxaa arrinkan bayaan ku sheegay guddiga Malaysia u qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa ee (MACC).