Nin ku eedeysan inuu saaxiibtiisa dilay oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Kenya

0
275

Waxaa xabsi ka baxsaday nin kenyaan ah oo ay dowladda Maraykanka doonaysa in loo ciqaabo dil uu u gaystay gabadh ay sheeko ka dhexeysay.
Kevin Adam Kinyanjui ayaa ka baxsaday saldhigga booliiska ee Muthaiga ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in dib loogu celiyo Maraykanka si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
Tuhmanaha ayay u suurtagashay inuu cararo ka dib markii loo oggolaaday inuu bannaanka xabsiga kula hadlo qareenkiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka dib markii uu baxsaday uu raacay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda iyadoo aynan booliisku u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan.
Waxaa durbaba la xiray qareenkiisa iyo afar sarkaal oo booliis ah oo shaqada ku jiray xilligii uu eedeysanaha ka baxsanayay saldhigga.
Sidoo kale waxaa hadda socdo dabagal lagu raadinaya Kengethe oo ku eedeysan inuu dilay gabadh haysatay jinsiyadda Maraykanka oo lagu magacaabi jiray Margaret Mbitu.
Dilka ayuu gaystay 31-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.
30-kii bishii koowaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii tuhmanaha laga qabtay xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi ka dib bilooyin la raadinayay.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei, ayaa arrin fadeexo ah ku tilmaamay inuu xabsi ka baxsaday qof dil loo haysto.
Waxaa uu xusay in saraakiisha la xiray laga doonayo inay faahfaahiyaan sida ay ku suurtagashay in ninkaasi uu xabsiga iskaga tago.