Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah saraakiisha booliiska oo lala xiriirinaya fal dhac ah oo awood loo adeegsaday kaasoo la soo tabiyay 3-dii bishan Labaad.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Edgar Opollo waxaana dad shacab ah oo careysan ka soo badbaadiyay ciidamada saldhigga dhexe ee booliiska ee Kisii.
Ka dib baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in askariga uu taleefoon casri ah ka dhacay arday dhigta jaamacadda Kisii waxaana sarkaalka lagu helay taleefoonkaasi isagoo ugu dambeyn xabsiga loo taxaabay.
Dhanka kale saraakiisha dambi baarista ee Kisii ayaa weli raadinaya burcad ka kooban saddex xubnood oo 2-dii bishan lacag dhan 40,000 oo shilin ka dhacay suuqa yar ee laga dukaameysto ee PEPS Mini Supermarket oo ku yaalla aagga loo yaqaano Corner Mbaya.
Burcadda ayaa laga dhex arkay muuqaal ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da iyagoo wajiyada soo duubtay oo labo ka mid ah ay ku hubeysan yihiin nooca qoriga ee AK47 iyo bastoolad.
Qofka qoriga sitay ayaa ku labisnaa darees u eg midka ay xirtaan ciidamada booliiska in kastoo aan xilligaasi la xaqiijin in qofkaasi uu yahay askari iyo in kale.
Balse ka dib markii la soo qabtay Edgar Opollo ayaa waxaa aqoonsaday milkiilaha suuqa dhaca laga gaystay isagoo sheegay inuu ka mid ahaa dadkii xaruntaasi boobay.
Baaritaano dheeraad ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Edgar Opollo uu ka mid yahay saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da ee ka howlgalo ismaamulka Kisii.
Waxaa hadda laga daaweynaya waxyeello ay shacabka gaarsiiyeen ka hor inta aan la soo badbaadin si ugu dambeyn maxkamadda loo geeyo.