Kirinyaga: 6 qof oo u dhimatay Khamri ay cabeen

0
229

Waraka naga soo gaaraya tuulada Kangai ee deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga ayaa sheegaya in 6 qof ay dhinteen ka dib markii ay cabeen daroogada nooca Khamriga ee sharci darrada ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 ruux oo kale ay aragooda waayeen.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matasha Bariga Mwea Teresiah Wanjiku ayaa sheegtay in 7 qof oo kale ay xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.
Laamaha ammaanka ee ismaamulkaasi ayaa haatan wado baaritaan ku aadan dhacdadan sababtay geerida 6-da qof.