2 qof oo weeraray xarun maxkamadeed oo lagu toogtay Turkiga

0
266

Waxaa dalka Turkiga lagu toogtay labo qof oo kala ah nin iyo haweeney xilli ay isku dayeen inay weerar ka gaystaan bar kontorool oo laga sameeyay dhisme maxkamadeed oo ku yaalla magaalada Istanbul.
Waxaa arrintan xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha ee wadanka Turkiga Cali Yerlikaya .
Waxaa uu wasiirku sheegay in halkaasi lagu dhaawacay 6 qof oo ay ka mid yihiin saddex booliis ah.
Wasiirka ayaa booliiska ku ammaanay sida degdegga ah ee ay iskudaygaasi uga falceliyeen.
Waxaa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta dhaawaca ah.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Cali Yerlikaya ayaa markii dambe sheegay in dadka weerarka soo qaaday la aqoonsaday oo ay ahaayeen xubnaha xoogagga Revolutionary People’s Liberation Party/Front.
Kooxdan ayaa gudaha Turkiga,Maraykanka iyo dalalka Midowga Yurub looga aqoonsan yahay urur argagixiso.