Ciidamada booliiska ee dalka Thailand ayaa dacwad ku soo oogay Ra’iisul Wasaarihii hore ee wadankaasi Thaksin Shinawatra.
Waxaa loo haystaa inuu ku dhawaad 10 sano ka hor xilli uu wareysi bixiyay isagoo ku sugan Kuuriyada Koonfureed uu aflagadeeyay boqortooyada Thailand.
In kastoo aynan caddeyn in dacwadiisa ay sii soconaysa iyo in kale , haddana waxaa uu noqonaya siyaasigii ugu dambeeyay ee loo maxkamadeynaya inuu wax ka sheegay boqortooyada.
Dacwadiisa ayaa loo adeegsanaya xeerar adag oo la soo saaray si looga hor tago in la dhaawaco sumcadda boqortooyada Thailand.