4 qof oo loo haysto qaraxii gaaska ee Embakasi oo maxkamad la soo taagay

0
294

Waxaa maanta maxkamad la soo taagay afar eedeysanayaal oo lala xiriirinaya qaraxii ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado ee Khamiistii hore laga soo tabiyay aagga Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan gacanta lagu dhigay sida ay xaqiijisay waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da.
Waaxdan ayaa doonaysa in maxkamadda ay saraakiisha dambi baarista u oggolaato inay maalmo xabsiga ku sii hayaan eedeysanayaasha kala ah Derrick Kimathi, Joseph Makau, David Walunya Ong’are iyo Marrian Mutete Kioko ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada ka dhanka ah.
Derrick Kimathi ayaa ah milkiilaha xaruntii shidaalka ee uu qaraxu saameeyay waxaana dhacdadaasi ku dhintay ilaa 6 ruux halka ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Saddexda qof ee kale ee la xiray ayaa ah saraakiisha maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA waxayna kala yihiin David Ongare ( agaasimaha u hoggaansanka xeerarka deegaanka ), Joseph Makau ( madaxa qiimeynta saameynta dhanka deegaanka ) iyo Mirrian Kioko.
DCI-da ayaa sheegtay inay raadinaysa ilaa shan tuhmanayaal oo kale oo kala ah Stephen Kilonzo, Ann Kabiri Mirungi ,Lynette Cheruyoit ,Robert Gitau iyo Abraham Mwangi.
Saraakiisha maamulka NEMA ayaa ku eedeysan inay si sharci darro ah shati ku siiyeen shirkadda gaaska ee Kimathi.
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in baaritaannada ay diiradda ku saarayaan dilal la gaystay , shirqool la xiriiray sameynta dembi culus , dayacaad mas’uuliyadeed , waxyeello iyo ku tagriifal awoodeed.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in afarta eedeysanayaal ay dhuumanayeen tan iyo markii uu qaraxa gaaska dhacay sidaasi awgeedna dhaqaale badan uu ku baxay in la soo xiro.
Tuhmanayaasha ayaa maanta ka soo hormuuqday garsooraha maxkamadda Nairobi Dolphina Alego.