Madaxweynaha dalka William Ruto oo xalay wadanka ka ambabaxay ayaa gaaray caasimadda Japan ee Tokyo.
Waxaa uu halkaasi ku tagay safar rasmi oo labo cishe ah.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa sheegay in hadafka ugu muhiimsan ee safarka madaxweynaha ee Japan uu yahay in sare loo sii qaado xiriirka dibloomaasiyadeed ee ka dhexeya labada waddan iyadoo si gaar ah diiradda loo saaraya iskaashiyada ganacsi, wada shaqeynta dhaqaale iyo dadaallada amni ee gobolka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ka hor inta uunan safrin sheegay inuu dowladda Japan kala soo heshiinaya barnaamij ku kacaya ilaa hal bilyan oo doolar ama 160 bilyan oo shilin.
Safarka William Ruto ayaa daba socdo booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Japan , Fumio Kishida ku yimid wadanka bishii Shanaad ee sanadkii hore.
Sidoo kale waxaa uu qayb ka yahay u dabbaal degga xiriirka dibloomaasiyadeed ee muddo 60 sano ah ka dhexeeyay Kenya iyo Japan.
Madaxweyne William Ruto ayaa inta uu ku sugan yahay Japan waxaa uu wada hadal labo geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadaasi Fumio Kishida.
Labada mas’uul ayaa wada hadalkooda diiradda ku saari doono iskaashiga dhaqaale ee dhinacyada caafimaadka, ICT-da, kaabayaasha , tamarta iyo adeegyada maaliyadeed.
Sidoo kale waxay wada saxiixan doonaan heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan iskaashiga gaashaandhigga, wada shaqeynta waaxyaha dadweynaha iyo kuwa gaarka ah ee dhisidda waddooyinka iyo mashruuca lagu ballaarinaya sheybaarka machadka cilmi baarista caafimaadka ee KEMRI.
Madaxweyne William Ruto iyo Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida ayaa sidoo kale ka wada hadli doono arrimo caalami ah oo la wadaago sida isbeddelka cimillada iyo dib u habeynta golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
William Ruto ayaa sidoo kale kulan la qaadan doono ururka baarlamaanka Japan iyo Afrika wuxuuna u ololeyn doonaa in dalkaasi uu maalgashi ka sameeyo gudaha Kenya.
Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedin doono madasha ganacsi ee Japan iyo Kenya wuxuuna kulamo la qaadan doonaa hoggaanka shirkadaha ugu caansan ee Japan.
Inta uu dalkaasi ku sugan yahay , madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la kulmi doono boqorka iyo boqoradda Japan ee kala ah Naruhito iyo Masako.