DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in aan la iibin doonin warshadaha sokorta

0
221

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa fagaaraha Approved School Grounds ee ismaamulka Kakamega sheegay in uunan jirin qorsho dowladeed oo lagu iibinaya warshadaha sokorta soo saaro.
Waxaa uu dhaliil u jeediyay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed oo uu xusay inay dadweynaha marin habaabinayaan.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in sanad kasta Kenya ay lacag dhan 500 oo bilyan oo shilin uga baxdo in cuntooyin laga soo iibsado dalka dibadiisa.
Tani ayuu carrabka ku adkeeyay in ay qasab tahay in xal waara loo helo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sare u qaadidda wax soo saarka beeralayda si Kenya ay u soo saarato cunno ku filan dadkeeda.
Xilli uu ka hadlayay qorshaha dowladda ee ku aaddan wanaajinta wax soo saarka warshadaha sokorta ee dalka ayuu madaxweyne William Ruto yidhi.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale shaaciyay qorsho dowladeed oo warshadda dahabka oo ku kacaysa ballaayiin shilin looga hirgelinaya galbeedka wadanka.