Wasiirka gaashaandhigga ee dalka oo la kulmay ku xigeenka wasiirka difaaca ee Sacuudiga

0
167

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka , Aadan Barre Ducaale ayaa magaalada Riyaadh ee boqortooyada Sacuudi Carabiya kulan kula qaatay ku xigeenka wasiirka gaashaandhigga ee dowladaasi dhaxal suge Cabdulraxman Al-Muqrin.
Ducaale iyo Al-Muqrin ayaa isku arkay meertada labaad ee shirka isbeheysiga militariga islaamiga ee ka dhanka ah argagixisada ee (IMCTC).
Waxaa uu xusay inay yeesheen wada hadal labo geesood oo miro-dhal ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ay arrin lagu farxo tahay in Kenya iyo Sacuudi Carabiya ay marxalado sare ka gaareen ansixinta heshiis iskaashi oo culus oo dhanka difaaca ah.
Is-afgaradkan ayaa hagi doono wada shaqeynta militari ee labada dhinac.
Kenya ayaa aaminsan in iskaashiga noocani ah uu dardargelin doono tababarrada militari iyo xoojinta karaanka ciidamada qalabka sida ee dalka.
Wasiir Ducaale ayaa intaasi ku daray in labada dowladood ay wadaagaan dano amni oo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadeysan.
Waxaa uu ku xigeenka wasiirka difaaca ee Sacuudi Carabiya u sheegay sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay wada shaqeynta ku aaddan cirib tirka khatarrada amni.
Ducaale ayaa sheegay in Kenya ay si wayn ugu ololeyso nabad galyada Geeska Afrika iyo si guud dalalka harooyinka ku teedhsan.
Dhanka kale wasiirka gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa berri u billaabanaya safar rasmi oo afar cishe ah oo uu ku tagi doono Maraykanka waxaana halkaasi ku qaabilaya dhigiisa xukuumadda Washington Lloyd Austin III.