DHAGEYSO:Baaritaanka kansarka saameeya naasaha iyo minka oo laga billaabay Wajeer

0
260

Waxaa ismaamulka Wajeer laga billaabay baaritaano lacag la’aan ah oo ku aaddan noocyada kansarka ee saameeya naasaha iyo ilmo-galeenka dumarka .
Bisha koowaad ee sanad kasta ee aan ka soo gudubnay ayaa loogu talagalay in la sameeyo wacyigelin ku saabsan kansarka minka iyadoo 4-ta bisha Labaad ee sanad kasta caalamka laga xuso maalinta adduunka ee kansarka.
Dhakhaatiirta ismaamulka Wajeer oo uu ka mid yahay Dr. Nuurdiin Bashiir ayaa ka warbixiyay baaritaannada maanta billowday ee socon doono ilaa 5-ta bishan iyagoo haweenka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan daryeelka caafimaad ee loo fidinaya.