Wada-hadallada nabadeed ee Afghanistan oo dib loo dhigaya

0
404

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay dib u dhigayso shir lagu waday in uu dalkaas ka qabsoomo oo lagu heshiisiinaya dowladda Afghanistan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Taalibaan.
Shirkan ayaan la qaban doonin ilaa dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in go’aankan ay qaateen ka dib wada-tashi lala yeeshay Qatar, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.
Cavusoglu ayaa xusay in dhinacyada sanado badan isaga soo horjeeday dalka Afghanistaan ay kulmi doonaan ka dib ciidul -fitri.
Waxaa uu intaa ku daray in hadda aynan jirin sabab degdeg ah oo loo aaneyn karo in Maraykanka uu ciidamadiisa kala baxo dalka Afghanistan.