Booliiska oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryay dhallinyaro ku bannanbaxayay maxkamadda Milimani ee Nairobi

0
279

Ciidamada booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryeen koox dhallinyaro ah oo mudaaharaad ka dhigayay bannaanka hore ee maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Dhallinyarada ayaa ka soo horjeeda go’aankii maxkamadda racfaanka ay ku waafaqday amarkii maxkamadda sare ay horraann ku hakisay qorshaha mashruuca guriyaha ee Housing Levy.
Waxay siteen boorar ay ku qoran yihiin “xuquuqdayada” islamarkaana ay ku dhawaaqayeen erayo ah inay shaqo la’aan yihiin.
Waxaa ay sheegeen inay doonayaan in mashruuca guriyeynta ee dowladda uu sii socdo.
Dhallinyaradan ayaa sheegay in mashruuca guriyeynta uu shaqo abuur u noqday dad leh xirfado kala duwan.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay maxkamadda sare ee dalka sharci darro ku tilmaantay canshuurta sanduuqa guriyeynta, iyadoo dhawaan maxkamadda racfaanka ay go’aankaasi waafaqday.