Guddiga adeegga garsoorka oo turxaan bixinaya madaxa maxkamadda racfaanka

0
251

Madaxa maxkamadda racfaanka dalka William Ouko oo doonaya in uu noqdo madaxa waaxda cadaaladda ee Kenya ayaa waxaa maanta su’aalo turxaan bixin ah weydiinaya xubnaha guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
Guddigan ayaa turxaan bixinta sameynaya toddobaadkii labaad.
Mr.Ouko ayaa ah mas’uulkii sideedaad ee su’aalo la weydiinaya.
Garsoore Ouko ayaa leh khibrado dhanka sharciga oo 34 sano ah.
Waxaa uu waaxda garsoorka ee dalka ku biiray sanadkii 1987 xilligaas oo uu ahaa xaakin degmo.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii madaxii cadaaladda ee dalka David Maraga uu William Ouko u soo magacaabay hoggaamiyaha maxkamadda racfaanka.
Guddiga JSC ayuu u sheegay in hadii uu ku guulaysto xilkii uu baneeyay Maraga bishii koowaad ee sanadkan uu waxyaabo badan ka beddeli doono howlaha cadaaladda ee dalka.
Xaakinka ayaa tusaale u soo qaatay in dacwadaha racfaanka ee hor yaallay maxkamadda uu hoggaamiyo ay ahayeen 7,000 balse labo sano gudahood oo yareeyay kana dhigay 4,000.
Maalmihii la soo dhaafay guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa turxaan bixin ku sameynayay garsoorayaasha iyo sharci yaqaanada kala ah Saaciid Juma Chitembwe, Martha Koome, Philip Kipchirchi Murgor, Prof. Patricia Mbote, David Marete, Nduma Nderi, iyo Fredrick Ngatia.
Waxaan weli guddigan ka soo hormuuqan Moni Wekesa iyo Alice Jepkoech iyada oo lagu wado in turxaan bixinta la soo gabagabeeyo 23-ka bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here