Madaxda Shiinaha iyo Maraykanka oo ka wada qayb galaya shirka cimillada

0
480

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping iyo dhigiiisa Maraykanka Joe Biden ayaa ku kulmaya shir lagu qabanaya aaladda fogaan-aragga.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay xukuumadda Washington ayaa looga hadli doonaan la tacaalidda saameynta ka dhalato isbeddellada ku yimaada cimillada.
Joe Biden ayaa madax kala duwan ku casuumay shirka berri oo khamiis ah loo ballansan yahay.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Hua Chunying ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaasi uu jeedin doono khudbad muhiim ah.
Waxaa la filayaa in tani ay isku soo dhaweyso dowladaha Shiinaha iyo Maraykanka oo aad u kala fogaa xilligii Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here