Maxkamadda sare oo sharci darro ku tilmaantay xilalka xoghayayaasha sare ee maamulka wasaaradaha

0
400

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aamisay in si aan sharciga dalka waafaqsanayn lagu soo magacaabay xoghayayaasha sare ee wasaaradaha kala duwan u qaabilsan dhanka maamulka.
Waxaa go’aankan ku dhawaaqay garsoore Anthony Mrima.
Sidoo kale xaakinka ayaa xusay in wasiirrada iyo xoghayayaasha xafiisyada la wareegay iyaga oo aan la turxaan bixin ay si sharci darro ah ku shaqeynayaan.
Garsoore Mrima ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday in ay xaqiijiso in marka xoghayayaasha la soo magacaabaya la ilaaliyo xeerka ku saabsan sinnaanta jinsiyadeed.
Dacwadda go’aammadan laga soo saaray waxaa horay maxkamadda u geeyay Okiya Omtata oo ka mid ah shakhsiyaadka u dooda xuquuqul aadanaha iyo arrimaha bulshada.
26-kii bishii koowaad ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu soo magacaabay xoghayayaal wasaaradaha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka .
Hasa ahaate Mr. Omtata ayaa dacwadda uu maxkamadda geeyay ku saleeyay in magacaabidda howlwadeenadan aan laga qayb gelin dadweynaha si ay afkaartooda uga dhiibtaan.
Wasiirrada uu saameynaya amarka maxkamadda oo iyagoo aan la turxaan bixin mar labaad xilal qabtay ayaa kala ah wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i, Eugene Wamalwa(dowlad wadaajinta) Najiib Balala(dalxiiska) ,Amina Maxamad( cayaaraha),James Macharia(gadiidka) Joe Mucheru(Warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda) Sicily Kariuki(biyaha) iyo Aadan Maxamad( Jaaliyadda bariga Afrika iyo horumarka gobolka )
Maxkamadda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la turxaan bixiyo sarkaal kasta oo loo soo magacaabo xil qaran xita hadii uu maamulkii hore jago sare ka hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here