Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa sheegay inuu la argagaxay wararka ah in waddamada qaar ay hakiyeen deeqihii ay siin jireen hay’adda daryeelka qaxootiga Falastiin.
Waxaa uu maanta codsaday in dalalkan ay sii wadaan taageeridda hay’adda u adeegta qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Bayaan uu soo saaray Guterres ayuu ku xusay in kastoo uu fahmaya tabashooyinka dowladahan haddana inuu si wayn u codsanaya damaanad qaad la xiriira in deeq bixintu ay sii jiri doonto si aynan u istaagin howlaha hay’adda.