DHAGEYSO:Wasiiradda caafimaadka oo faahfaahin ka bixisay caymiska cusub ee SHIF

0
204

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa sheegtay in dowladdu ay qarashaadka adeegyada caafimaadka ka bixin doonto bukaannada xanuunnada halista ah ee raaga sida macaanka, dhiig karka iyo kansarka.
Waxay sheegtay in sanad kasta lacag dhan 30 bilyan oo shilin ay ku baxdo in xanuunnadan la daaweeyo.
Susan Nakhumicha oo dadweynaha ku boorrisay inay taageeraan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHIF ayaa dhanka kale sheegtay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay iska kaashanayaan sidii loo xaqiijin lahaa in dhammaan xarumaha caafimaadka ee wadanka la geeyo daawooyin ku filan shacabka.