Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa maanta u ambabaxay wadanka Talyaaniga.
Afhayeenka madaxtooyada State House Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxweynaha uu magaalada Rome uga qayb geli doono shirka u dhexeeya Talyaaniga iyo Afrika.
William Ruto ayaa hadda ah guddoomiyaha guddiga hoggaamiyaasha waddamada qaaradda Afrika ee wax ka qabashada isbeddelka cimillada ee (CAHOSCC).
Waxaa la filayaa inuu shirkaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan badqabka dhanka tamarta.
Hal-ku dhigga shirka Talyaaniga iyo Afrika ee sanadkan ayaa ah buundo loogu gudbaya kobac loo dhan yahay.
William Ruto ayaa ku biiraya ilaa 20 madaxweynayaal oo ka arrinsanaya dhinacyada ay iska kaashan karaan sida la tacaalidda cunno yarida , dhaqanka , waxbarashada , tababarrada farsamo , horumarka kaabayaasha iyo dhaqaalaha iyo la dagaallanka tahriibka iyo argagixisannimada.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweyne William Ruto uu wada hadal la yeesho dhigiisa dalka Talyaaniga, Sergio Mattarella.
Labada mas’uul ayaa isla eegi doono waxyaabaha ilaa iyo hadda uga qabsoomay heshiiskoodi sanadkii hore xilli uu madaxweynaha Talyaaniga booqasho rasmi ah ku yimid Kenya.
Madaxweyne William Ruto ayaa intaasi ka dib la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.
Xuseen Maxamad ayaa laga soo xigtay in Kenya iyo Talyaaniga ay ka wada shaqeynayaan badbaadinta deegaanka , u adkeysiga saameynta isbeddelka cimillada , biyaha , waxbarashada, tamarta, dhaqanka iyo caafimaadka.
Ajeendaha safarka madaxweyne William Ruto uu ku tagaya Talyaaniga waxaa qayb ka ah inuu heshiisyo labo geesood ah la soo saxiixdo hoggaamiyaasha Midowga Yurub,Bangiga Adduunka, Sanduuqa Caalamiga ee Lacaga ee IMF iyo madaxda qaaradda Afrika ee qaybta ka ah geeddisocodka nabadeed ee dalalka DRC, Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed.