Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeeyay inuu kheyraadka dowladda u adeegsanaya inuu meel maro mashruuca guriyeynta.
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta sheegay in tallaabooyinka uu madaxweynaha qaadaya ay yihiin kuwo baal marsan dastuurka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in garabka mucaaradka aynan qorshahan ka soo horjeedin.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in dowladda aynan weli caddeyn qaabka mashruucan loo dhaqan gelinaya, cidda ka faa’iidaysa iyo sida looga faaiidaysanaya.
Madaxa Azimio ayaa sida uu hadalka u dhigay sheegay in maamulka Kenya Kwanza uu u muuqdo inuu kenyaanka ku qasbaya mashaariic aan hadda degdeg ahayn.
Madaxa xisbiga DAP-K, Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa dowladda dhexe ka dalbaday inay kenyaanka shaqeeya u soo celiso lacagihii ay ka jartay tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii hore si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.