Ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da gaar ahaan kuwo qaabilsan la tacaalidda dhacdooyinka dilalka ayaa soo helay baabuurkii lagu afduubtay Daniel Muthiani Benard oo loo yaqaanay Sniper ka hor inta aan la dilin.
Ninkan ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka warbixinnada ku soo qoro baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka.
2-dii bishii 12-aad ee sanadkii hore ayaa la waayay waxaana 16-kii bishii Diseembar ee 2023-kii meydkiisa laga helay webiga Mutonga ee aagga Chiakariga ee ismaamulka Tharaka Nithi .
DCI ayaa sheegtay in baabuurka la helay la aqoonsaday ka dib baaritaano qoto dheer oo la sameeyay.
Kooxda baaritaannada sameynaysa ayaa laga soo xigtay in gaarigan uu maalinkii Sniper la afduubayay soo kireystay Vincent Mureithi Kirimi oo loo yaqaano Supuu.