Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka dalka ee maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Kimani Kuria, ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in xildhibaannada ay soo saari doonaan xeer lagu badbaadinaya Barnaamijka guriyeynta ee ay dowladdu wado.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda racfaanka ee dalka ay dhawaan sharci darro ku tilmaantay qorshahan.
Waxay maxkamaddu ayiday go’aankii 28-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore ay maxkamadda sare ee wadanka ku hakisay dhaqangelinta mashruuca guriyeynta .
Madaxweynaha dalka William Ruto iyo xubnaha maamulkiisa ayaa weli u ololeynaya mashruucan oo lagu dhisaya guriyo tayo ahaan wanaagsan oo ay dadweynaha ku degi karaan qiimo ay awoodaan si ugu dambeyn meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah.
Hasa ahaate guddoomiyaha maaliyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru ayaa carrabka ku adkeeyay inay xaqiijin doonaan in qorshaha guriyeynta ee dowladda uu dhaqangalo iyadoo loo maraya hab dastuurka waafaqsan.