Maraykanka oo ansixiyay qorsho diyaaradaha dagaalka looga iibinaya Turkiga

0
295

Dowladda Maraykanka ayaa ansixisay in diyaaradaha dagaalka ee F-16 laga iibiyo Turkiga.
Tani ayaa timid ka dib markii uu baarlamaanka xukuumadda Ankara toddobaadkan meel mariyay xubinnimada Sweden ee gaashaanbuurta NATO.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa aqalka kongareeska ku wargelisay heshiiskan oo ku kacaya 23 bilyan oo doolar.
Sidoo kale Maraykanka ayaa lacag dhan 8.6 bilyan oo doolar dowladda Giriigga uga iibinaya diyaaradaha dagaalka ee F-35.