Militariga Ingiriiska oo beeniyay in daacuun uu ka dillaacay xerada Nanyuki

0
180

Qaybta tababarka militariga ee boqortooyada Ingiriiska ee Kenya (BATUK) ayaa beenisay warbixinnada sheegaya in cudurka daacuunka uu ka dhex dillaacay xerada ay ku leeyihiin magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia.
BATUK ayaa bayaan ay maanta warbaahinta la wadaagtay ku xaqiijisay in uunan jirin wax cudur ah oo xeradaasi laga soo tabiyay.