Musalia Mudavadi oo la kulmay dhigiisa arrimaha dibadda ee Shiinaha

0
246

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa la kulmay dhigiisa arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi.
Musalia Mudavadi ayaa booqasho rasmi oo saddex cishe ah ku jooga Shiinaha.
Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xoojinta xiririka diblomaasiyadeed ee ka dhexeya.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in iskaashiga wax ku oolka ah ee Kenya iyo Shiinaha uu gaaray natiijooyin la taaban karo.
Waxaa uu xusay in Shiinaha uu ka qayb qaatay kobcinta dhaqaalaha dalka.
Madaxa wasiirrada dalka ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay saaxiibka muhiimka ah ee Kenya.
Waxaa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu horseed u noqonaya mashaariicda kaabayaasha oo ay ka faa’iideysanayaan Kenyaan badan.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu adkeeyo kalsoonida siyaasadeed ee kala dhexeyo Kenya, islamarkaana la xoojin doona xiriirka labada dal.