Agaasimaha maamulka shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee GAWASCO oo saaka maxkamad la soo taagi doono

0
521

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay agaasimaha maamulka shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee magaalada Garissa ee Gawasco Dolaal Maxamad, ka dib markii uu ka been sheegay shahaadiisa dugsiga sare ee KCSE.
Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in buundada uu helay mas’uulkan ay ahayd D ee imtixaankii KCSE-da ee uu sameeyay sanadkii 1998-dii.
Hasa ahaate uu sameystay shahaado been abuur ah oo bundada C+.
Eedeysanaha oo adeegsanaaya shahaadada KCSE-da ee been abuurka ah ayaa shahadada Diploma ee xiriirka dadweynaha ka qaatay jaamacadda Nairobi ka hor inta uusan markii dambe shahaadada koowaad Degree ee daraasaadka horumarinta ka qaadan Jaamacadda Mt. Kenya.
Mas’uulkan oo xalay ku hoyday saldhigga booliiska ee magaalada Garissa ayaa lagu wadaa in maanta sagaalka subaxnimo ka soo hormuuqdo maxkamadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee laanteeda ismaamulka Garissa.
Xarigga mas’uulkan ayaa yimid ka dib markii agaasinka waaxda dacwad oogidda dalka uu aqbalay talooyinka EACC, ka dib markii loo ogaaday in tuhmanaha uu qaatay hanti dadweyne oo dhan 12,987,290, taas oo uu qaab mushaar ah u qaadanayay tani iyo markii uu jagadaasi qabtay.