Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa ka cabanaya waxa uu ku tilmaamay xannibaada dhaqaale ee maamulka Kenya Kwanza ku hayso xisbiyada siyaasadeed.
ODM ayaa sheegtay in dowladda ay xisbiyadu ku leeyihiin lacag dhan 10 bilyan oo shilin taasoo dhammaan howlaha xisbiga qusaysa.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa maamulka talada wadanka haya ku eedeyay inuu si bareer ah u wiiqayo xisbiyada mucaaradka ah, iyadoo hoos u dhigaysa qoondada miisaaniyadda.
Dib u dhigista dhaqaalaha ayuu ku tilmaamay in looga gool leeyahay si ay u hubiso dowladda in maamulkeeda la xakamaynin.
Waxaa uu sheegay in howlgallada heerka hoose ee xisbiga ay hadda istaageen dhaqaale la’aan awgeed.
Edwin Sifuna ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku eedeyay in ujeedkiisu yahay hubinta in la wiiqo xisbiyada siyaasadeed gaar ahaan ODM.