Kenyaanka oo looga digay inay cunnaan Kalluunka laga keena harada Nakuru

0
257

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo kheyraadka badaha ee dalka Saalim Mvurya ayaa ka digay in kalluunka laga keena harada Nakuru uu yahay mid aan ku habboonayn in la cunno.
Waxaa uu sheegay in baaritaanadii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay kalluunka laga keeno harada Nakuru ay muujinayaan heerar sare oo kiimiko ah islamarkaana ay macdanta ku badan tahay.
Waxaa uu kenyaanka uga digay inay cunnaan kalluunka halkaasi laga keena maadaama uu horseedi karo xanuuno halis ah.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in xanuunada uu horseedi karo kalluunkaasi ay ka mid yihiin cudurrada wadnaha iyo Kansarka maqaarka.