Dowladda Algeria oo Kenya ugu deeqday 16,000 oo bacrimin ah

0
247

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka ,Mithika Linturi ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay heshay 16,000 oo bacrimin ah oo ay ka guddoontay dowladda Algeria.
Safiirka Algeria u fadhiya Kenya, Mahi Boumediene, ayaa dhankiisa bogaadiyay tallaabadan isagoo sheegay inay xoojinayso xiriirka labada dal.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka ,Mithika Linturi ayaa sidoo kale sheegay in wadanka uu u baahan yahay ilaa 900,000 oo bacrimin kala duwan ah si loogu soo saaro cunno ku filan dalka sanad kasta.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in sanadkan sidoo kale ay dowladda qorshaynayso in ay soo saarto 630,000 oo bacrimin ah.
Mr. Linturi ayaa tilmaamay in dowladda ay diiwaangelsay 6.4 milyan oo beeralay ah kuwaas oo la filayo in ay ka faa’iidaystaan bacrimin ay ku kabayaan wax soo saarkooda.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in maamulka uu hogaamiyo madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay dib u habeynta waaxda beeraha si loo kordhiyo wax soo saarka cuntada ee dalka.