DHAGEYSO:Booliiska Thika oo toogtay 2 qof oo looga shakiyay burcadnimo

0
221

Ciidamada booliiska ayaa toogasho ku dilay labo qof oo lagu tuhmay inay dhac ka gaysteen dukaan ku yaalla tuulada Ngoingwa ee deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu.
Taliyaha booliiska ee Galbeedka Thika ,Lawrence Muchangi ayaa sheegay in labada qof ee la dilay la rumeysan yahay inay qayb ka yihiin koox sidoo kale weerartay dugsi halkaasi oo ay ku dhaawacmeen labo waardiye.
Mid ka mid ah ilaalada dugsiga ayaa markii dambe geeriyooday xilli laga daweynayay dhaawacyo ka soo gaaray weerarka kooxda.
Waxaa uu taliyuhu intaasi ku daray in eedeysanayaasha ay dukaanka jabiyeen oo la qabtay iyagoo badeecooyin halkaasi ka saaraya.
Mr. Muchangi ayaa xusay in baaritaannada dhacdadaasi ku aaddan ay billowdeen wuxuuna tilmaamay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin xaqiijinta badqabka shacabka aaggaasi ku nool.

Saraakiisha booliiska ee Thika ayaa raadinaya tuhmanayaal kale oo baxsaday iyagoo dhaawac ah ka dib markii la toogtay.