Maxkamadda sare ee dalka ayaa magaca wasiirkii hore ee geeriyooday ee wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha ka saartay kiis la gudbiyay oo looga soo horjeedo dhaqangelinta manhajka waxbarashada ee (CBC).
Maxkamadda ayaa sidoo kale maanta amartay in dacwaddan la dhageysto 15-ka bisha Labaad ee sanadkan.
Bishii Sagaalaad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii uu dacwaddan maxkamadda geeyay ururka qareennada dalka ee LSK.
Madaxii LSK ee xilligaasi Nelson Havi ayaa xilligaasi doonayay in wasiirkii waxbarashada Prof. George Magoha uu kiiskaasi ka jawaabo.
Magoha ayaa geeriyooday 24-kii bishii Koowaad ee sanadkii hore.